Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Dawooyinka iyo Nidaamka Loobahan Yahay in Loomaro.

Dawooyinka iyo Nidaamka Loobahan Yahay in Loomaro.

Daawooyinku waa agab lagama maarmaan u ah badbaadinta nolosha iyo daawaynta xanuunnada, balse waxtarkoodu wuxuu ku xidhan yahay sida loo isticmaalo.

Isticmaalka qaldan ee daawooyinka (Drug Misuse) waa marka qofku u isticmaalo daawada si ka duwan sidii uu dhakhtarku ugu qoray ama loogu talagalay, ha ahaato qiyaasta (dose-ka) oo la kordhiyo, ama daawada oo la kala gooyo xilliga qaadashada ama isticmaalka daawo aan qofka loogu talo-galin.

Cawaaqibka ka dhasha arrintan ma aha oo kaliya mid qofka ku kooban, balse waa dhibaato saameynaysa bulshada oo dhan iyo nidaamka caafimaadka guud.

Iska caabinta Daawada (Antimicrobial Resistance – AMR): Tani waa mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee caafimaadka caalamka maanta. Marka antibiyootigga loo isticmaalo si qaldan, bakteeriyadu waxay barataa sidii ay isaga difaaci lahayd dawada, taas oo horseedaysa in xanuunadii fududaa ay noqdaan kuwo aan dawo lahayn.

Waxyeellada Xubnaha Gudaha: Isticmaalka badan ee dawooyinka qaarkood (sida xanuun baabiyaasha paracetamol-ka xad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *