Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Category: Uncategorized

Xubnaha iskaashiga xisbiga barwaaqo ee Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS(SRSFMHACA).

Xubnaha iskaashiga xisbiga barwaaqo ee Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS(SRSFMHACA) ayaa maanta gudaha xarunta wakaaladda ka fuliyay olole dhir-beeris iyo nadaafadeed, oo ay kaga qayb qaadanayeen hawlaha tabarucaadka bilaha xagaaga. Ololahan ayaa ujeeddadiisu ahayd qurxinta iyo ilaalinta bilicda deegaanka shaqada, xoojinta dhaqanka nadaafadda, daryeelka deegaanka iyo kobcinta dhaqanka iskaa wax u…
Read more

Waxaa degmada Moyale lagu qabtay shir lagu qiimeeyay hawlaha dabagalka ee ay waddo Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntooyinka, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS.

Kulanka waxaa lagu lafa-guray dabagalka ka socda dukaamada iyo bakhaarada, hubinta tayada iyo taariikhda dhicitaanka badeecadaha, iyo wacyigelinta ganacsatada. Ugu dambayn, waxaa la bogaadiyay wada-shaqeynta Hawl-wadeenada wakalada iyo mamulada degmoyinka , waxaana bulshada Gobolka Daawa loogu baaqay inay hubiyaan tayada iyo taariikhda badeecadaha ay iibsanayaan.

Tababar Kusaabsan Aalada Casriga ah ooy Soo Qaban-qaabisay Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cunada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS.

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS ayaa soo qabanqaabisay Tababar kusaabsan aalada casriga ah ee ee xal u helida iyo isku xidhka bulshada iyo xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegga dawada. Tababarkan oo si guud uga furmay dalka ayna kasoo qaybgaleen hawlwadeenada Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS iyo waaxaha…
Read more

Fariimo Caafimaad iyo Digniino Ay wakaladu Lawadaagtay Bulshada DDS.

Ka taxaddar Kareemada iyo Kiniinnada Bilicda! Isticmaalka kareemada iyo kiniinnada bilicda ee aan la hubin tayadooda waxay halis weyn ku yihiin caafimaadka, Qaarkood waxay sababi karaan:- 1. Maqaarka oo gubta, finan daran ama jidhka madoobaada 2. Dhibaatooyin gudaha ah sida beerka iyo kelyaha oo waxyeelooba 3. Xasaasiyad ama infekshan halis ah Talo: Mar walba la…
Read more

Waxaa Maanta Magalada Jigjiga Laga Daah Furay Xarun Cusub oo Lagula Soconayo Waxyeellada Ka Dhalata Dawada Khaldan iyo Tallaalka Tasoo Laga Daahfuray Cusbitaalka Sheekh Xasan Yabaree.

Xarun lagula soconayo waxyeellada ka dhalata dawada iyo tallaalka ayaa laga daahfuray cusbitaalka Sheekh Xasan Yabaree. Xaruntan oo noqonaysa tii 9aad ee dalka ayaa noqonaysa mid fufudaynaysa la socodka tayada dawada si looga fogaado waxyeellada bulshada ka soo gaadha dawada aan tayadooda la xaqiijin. Daahfurka xaruntani ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiir kuxigeenka caafimaadka, maareeye…
Read more

Ogaysiis Ogaysiis

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan xirfadlayaasha caafimaadka ee deegaanka soomaali in Hadii aad tahay xirfadle caafimaad oo doonaya in uu qaato,cusboonaysiisto ama dib ula soo baxo shatiga xirfadlaha caafimaadka waxaad booqan kartaa link gan hoose waxaadna raacdaa tilmaamaha uu kusiinayo muuqaalka hoose kadibna u doono shatigaaga xarunta SOMALI MESOB ee jigjiga taas oo ku taala ka…
Read more