Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Category: traning and events

Kulan Wacyigelin ah oo Loo Qabtay Bulshada Magalada Wardheer.

Kulan wacyigalin ah oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta ka qabsoomay magaalada warder ee xarunta gobolka dollo Kulanka oo ay hogaaminayeen maareeyaha guud ee wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS Cabdulahi Maxamud Mataan iyo gudoomiyaha degmada wardher #mawlid_duraan Ayaa bulshada magaalada wardheer laga wacyi galiyay…
Read more

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS ayaa si rasmi ah ula wareegtay nidaam cusub oo dhijitaal ah oo ay ku shaqayn doonto waaxda cuntada iyo fayodhawrka, taas oo lagu maamuli doono adeegyada kaladuwan ee waaxda.

Nidaamkan cusub oo sameyntiisu socotay muddo hal sano ah ayaa Hawlwadeenada waaxda sharraxaad buuxda laga siiyay habka loogu shaqayn doono nidaamkan, iyadoo nidaamkani ay sameysay shirkada Kaafi technology consulting and Solutions. Huteelada, goobaha cuntada, Koosmaatikisyada iyo meelaha kale ee lamidka ah ayuu nidaamkani ka shaqayn doonaa, waxaana uu suurtagalin doonaa in dhamaan xogta goobahaasi qaab…
Read more

Talosiin ku Socoto bulshada DDS.

Markasta oo aad dawo iibsanayso, iska hubi qodabadan:- Magaca dawada Taariikhda dhicitaanka Xaaladda baakada Tilmaamaha isticmaalka Hubinta dawadu waa ilaalinta caafimaadkaaga. Facebook. http://web.facebook.com/profile.php?id=61567045210194 Tiktok. http://www.tiktok.com/@wakaladadabagalka Twitter. http://x.com/Wakalada_D0994 Telegram. http://t.me/srsfmhacagov YouTube. http://www.youtube.com/@WakaladaDabagalka Linkedi. http://www.linkedin.com/in/wakalada-dabagalka-2382013bb/

Tallaabo Weyn oo loo Qaaday Casriyeinta Adeegyada Caafimaadka ee ay dabagasho Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka.

Waxaa shaqaalaha Wakaaladda dabagalka daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS uga qabsoomay magaalada Diredawa tababar muhiim ah oo ku saabsan nidaamka casriga ah ee #ERegulation, #ELicensing, iyo #MFR Integration. Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray #ERegulation & #ELicensing: Bixinta liisammada iyo dabagalka xarumaha caafimaadka oo loo beddelayo hab #digital ah kaas oo lagu xidhayo MFR (MASTER FACILITY…
Read more

Wakaalada oo Wado ol,ole Dhalinyarada Lagu Baraarujinayo Khatarta Caafimaad ee uu Leeyahay Isticmaalka Tubaakada iyo Sigaarku.

Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS ayaa waddo olole wacyigelin ah oo bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, lagu baraarujinayo khatarta caafimaad ee uu leeyahay isticmaalka tubaakada iyo sigaarku. Ujeeddada ololahan ayaa ah in bulshada laga wacyigeliyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha sigaarka, iyadoo dadka isticmaala lagu dhiirrigelinayo inay joojiyaan, halka kuwa aan…
Read more

Hawl-wadeennada Wakaaladda ee Gobolka Liibaan Ayaa Fuliyay Kormeer Lagu Hubinayo Tayada, Nadaafadda, Shatiyeynta Xarumaha Caafimaadka, iyo Diiwaangelinta Xogta GPS-ka (MFR).

Hawl-wadeennada Wakaaladda ee Gobolka Liibaan ayaa fuliyay kormeer lagu hubinayo tayada, nadaafadda, shatiyeynta xarumaha caafimaadka, iyo diiwaangelinta xogta GPS-ka (MFR). Kormeerka ayaa waxaa lagaga talaaba qaaday oo la xidhay Farmasiyo liisan la’aan ah, kuwa nadaafadoodu liidato, iyo kuwa aan buuxin shuruudaha, gaar ahaan kuwa ku yaalla goobo aan ku habboonayn oo halis gelin kara tayada…
Read more

Kormeero ay Sameysay Wakaaladu iyo Wax Yaabihii Lakala Kulmay Farmarsileyda iibiyo Dawooyinka.

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS oo ku guda jirtay hawlaheeda kormeerka iyo dabogalka ayaa la kulantay farmasiyo ay dawada iibinayeen xirfadleyaal aan ahayn kuwii ku sharciyaysnaa iibinta Farmasiga. Tallaabo sharci ah ayaana laga qaaday farmasiyadii lagu helay falkan, si looga hortago khaladaadka xirfadeed iyo in bulshada loo geeyo adeegyo dawo oo…
Read more

Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, oo kaashanaysa Ethiopian Food and Drug Authority Laanta Diridhaba Ayaa si wadajir ah u Fuliyay Baadhitaan Lagu Hubinayo Tayada Badeecadaha, Gaar ahaan Basbaaska (Berbere) ee Lagu iibiyo Magaalada Jigjig.

Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, oo kaashanaysa Ethiopian Food and Drug Authority Laanta Diridhaba, ayaa si wadajir ah u fuliyay baadhitaan lagu hubinayo tayada badeecadaha, gaar ahaan basbaaska (Berbere) ee lagu iibiyo magaalada Jigjiga, iyadoo si gaar ah loo eegayo cabbirka dambaska ku jira Basbaaska. Waxaana baadhitaanno shaybaadh lagu sameeyay muunado…
Read more

Gudigga Latalinta (Boordhiga) ee Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka ayaa Kulan koodii koobaad Kuyeeshay Gudaha Xafiiska Caafimaadka DDS.

Kulankan oo uu shir gudominayey Wasiirka xafiiska caafimaadka Dr.Musse Axmed Ibraahim oo uu wahelinayo Wasiir kuxigeenka xafiiska caafimaadka Mudane Maxamed Ayaanle Xassan ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubnaha boordhiga wakaladda sida wasiirka xafiiska Maaliyadda, wasiirka xafiiska Beeraha, wasiirka xafiiska Ganacsiga iyo Gadiidka, Arimaha Bulshada iyo Maareeyaha wakaalada maamulka cuntada iyo daawooyinka. Ujeedada kulankan ayaa ah sidii…
Read more

Hawlwadeennada Wakaaladda ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay kormeero muhiim ah iyo baadhitaanno ku sameeyay meheradaha iibiya sharaabka iyo cuntooyinka ee Magaalada Jigjiga.

Hawlwadeennada Wakaaladda ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay kormeero muhiim ah iyo baadhitaanno ku sameeyay meheradaha iibiya sharaabka iyo cuntooyinka ee Magaalada Jigjiga, gaar ahaan degmo-hoosaadyada Qoordheere iyo Dudahidde, waxaana la soo kormeeray 68 meheradood. Intii kormeerku socday, waxaa lagu qabtay 15 nooc oo alaab dhacday ah (expired) ah. Alaabtaas wakhtigeedii dhacay ee la qabtay…
Read more