Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Author: Osman Aden

Hawlaha Wacyigelinta iyo Dhaqan-gelinta Mamnuucida Sigaarka/Tubaakada.

Kooxo hawl-wadeeno ah oo ka socda Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS ayaa ka wada magaalada jigjiga hawlo muhiim ah oo ku saabsan mamnuucida ku cabida / kuqiijinta sigaarka iyo tubaakada goobaha ay bulshadu ku kulanto. Kooxuhu waxay wacyigelin iyo fariimo muhim ah siinayaan mulkiilayaasha iyo maamuleyaasha goobaha bulshadu ku kulanto…
Read more

Waxqabadka Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Bishii September 2026.

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka, Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, ayaa ka warbixiyay waxqabadkii Wakaaladda ee bishii September 2026. Maareeyaha ayaa sheegay in intii lagu jiray bishan uu kormeerro iyo kulamo shaqo ku tagay magaalooyinka xarumaha Gobollada ee Wardheer, Qabridaharre, Godey iyo Dhagaxbuur, halkaas oo uu kulamo wacyigelin iyo qiimayn ah…
Read more

Qorshaha Saddexda Sano ee Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka oo la Diyaarinayo.

Kulan ku saabsan diyaarinta Qorshaha Saddexda Sano ee soo socda ee Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ayaa ka qabsoomay xarunta Wakaaladda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dejinta iyo diyaarinta qorshe-hawleedka saddexda sano ee soo socda, kaas oo lagu horumarinayo laguna xoojinayo hawlaha, adeegyada iyo waajibaadka kala duwan ee Wakaaladda, si loo…
Read more

Maamulka Wakaaladda Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka oo Kulan la Qaatay Shaqaalaha Kala Duwan ee Wakaaladda.

Maamulka Wakaaladda Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ayaa kulan la qaatay shaqaalaha qaybaha kala duwan ee Wakaaladda. Kulankan oo uu hoggaaminayay Maareeyaha Wakaaladda,Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka Mudane Cabdullaahi Maxamud Mataan, ayaa looga hadlay arrimo muhiim u ah tayeynta iyo dardargelinta hawlaha shaqo ee Wakaaladda. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray…
Read more

Maareeyaha Wakaalada Mudane Cabdulahi Maxamud Mataan ayaa kulan Wacyigelin ah la yeeshay Ganacsatada Magaalada Dhagaxbuur.

Maareeyaha Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee DDS, Mudane Cabdulahi Maxamud Mataan ,Duqa Magaalada dhagaxbuur mudane C/xakin macalin ciwal iyo mas’uuliyiin kale,ayaa kulan wacyigelin ah la yeeshay ganacsatada magaalada Dhagaxbuur. ‎ Kulanka ayaa mudada uu socday waxaa ganacsatada lagagala hadlayay kahortagga iyo joojinta waxyaabaha sharcidarrada ah, gaar ahaan dawooyinka, badeecada wakhtigeedu…
Read more

KULAN KU SAABSAN DARYEELKA BUKAANADA.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 03/13/2018, Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada , Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS ayaa kulan layeelatay mulkiilayaasha Xarumaha Cilaajka ee ka hawlgala MM.jigjiga. Kulanka waxaa lagu soo bandhigay natiijooyinkii baadhitaanadii lagu sameeyey xarumaha cilaajka, iyadoo diirada la saaray kor u qaadista tayada adeegyada iyo daryeelka bukaanada. Waxaa la islaqatay in sanadka 2019,…
Read more

Waxaa Madasha Kulamada ee Magaalada Godey Ka Qabsoomay Kulan Balaadhan oo Lala yeeshay Ganacsatada MM-da Godey.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa Adkaynta iyo Xoojinta Tayada / Bad qabka Dawooyinka, Cuntada iyo Cabtaanada kaladuwan ee ay bulshada magaaladu Isticmaasho. ▪︎ Ayaa waxaa kasoo qaybgalay Maareeyaha Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Adeega Caaafimad dadka DDS Mudane: Cabdulahi Maxamud Mataan iyo Qaar ka mid ah hogaaminta ugu horeeyo Duqa magaalada Godey Mudane: Cabdulahi Cali Xaji.…
Read more

Xubno ka Socday Wakaalada ayaa kulamo la yeeshay Maamulka Gobolada Siti,Erer iyo M.wajaale si, loo xoojiyo Wada-shaqaynta la iskagana kaashado hawlaha kormeerka.

Xubno ka socday Wakaalada Maamulka Cuntada,Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS ayaa kulamo la yeeshay maamulka gobolada Siti,Erer iyo m.wajaale si, loo xoojiyo wada-shaqaynta la iskagana kaashado hawlaha kormeerka. Kooxaha wakaalada ayaa kormeer iyo dabagal ku samayn doona Dukaamada,hoteelada ,goobaha cuntada iyo goobaha cosmaEtics-ka si loo hubiyo badqabka iyo tayada badeecoyinka bulshada laga iibinayo. Wakaaladu waxay…
Read more

Kormeer Lagu Xoojinayo Nidaamka La-socodka Waxyeellooyinka ka Dhasha Dawooyinka iyo Tallaallada Ayay Wakaaladu ka Wadaa Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Jigjiga.

Hawl-wadeennada Wakaaladda, oo uu hoggaaminayay Madax Kooxeedka Ka-hortagga Isticmaalka Qaldan ee Dawooyinka, Samatar Axmednuur, oo ay weheliyeen Xubno kale oo ka socday wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka ee heer qaran iyo Dr Zalalem oo ka socda Hay’ada Ohio State University (Global one health) ayaa kormeer, taageero iyo taakulayn ku saabsan hawlaha ilaalinta bukaanka…
Read more

Kulan Wacyigelin ah oo Loo Qabtay Bulshada Magalada Wardheer.

Kulan wacyigalin ah oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta ka qabsoomay magaalada warder ee xarunta gobolka dollo Kulanka oo ay hogaaminayeen maareeyaha guud ee wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS Cabdulahi Maxamud Mataan iyo gudoomiyaha degmada wardher #mawlid_duraan Ayaa bulshada magaalada wardheer laga wacyi galiyay…
Read more