Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

News and Events

Kulan Wacyigelin ah oo Loo Qabtay Bulshada Magalada Wardheer.

Kulan wacyigalin ah oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta ka qabsoomay magaalada warder ee xarunta gobolka dollo Kulanka oo ay hogaaminayeen maareeyaha guud ee wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS Cabdulahi Maxamud Mataan iyo gudoomiyaha degmada wardher #mawlid_duraan Ayaa bulshada magaalada wardheer laga wacyi galiyay…
Read more

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS ayaa si rasmi ah ula wareegtay nidaam cusub oo dhijitaal ah oo ay ku shaqayn doonto waaxda cuntada iyo fayodhawrka, taas oo lagu maamuli doono adeegyada kaladuwan ee waaxda.

Nidaamkan cusub oo sameyntiisu socotay muddo hal sano ah ayaa Hawlwadeenada waaxda sharraxaad buuxda laga siiyay habka loogu shaqayn doono nidaamkan, iyadoo nidaamkani ay sameysay shirkada Kaafi technology consulting and Solutions. Huteelada, goobaha cuntada, Koosmaatikisyada iyo meelaha kale ee lamidka ah ayuu nidaamkani ka shaqayn doonaa, waxaana uu suurtagalin doonaa in dhamaan xogta goobahaasi qaab…
Read more

Talosiin ku Socoto bulshada DDS.

Markasta oo aad dawo iibsanayso, iska hubi qodabadan:- Magaca dawada Taariikhda dhicitaanka Xaaladda baakada Tilmaamaha isticmaalka Hubinta dawadu waa ilaalinta caafimaadkaaga. Facebook. http://web.facebook.com/profile.php?id=61567045210194 Tiktok. http://www.tiktok.com/@wakaladadabagalka Twitter. http://x.com/Wakalada_D0994 Telegram. http://t.me/srsfmhacagov YouTube. http://www.youtube.com/@WakaladaDabagalka Linkedi. http://www.linkedin.com/in/wakalada-dabagalka-2382013bb/

Digniin ku Saabsan Isdaawaynta.

Isdaawayntu waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad, Isdaawayn khaldan waa marka qofku isticmaalo dawo isaga oo aan la tashan dhakhtar ama Farmasiile, isla markaana aan loo qorin xaaladdiisa caafimaad ee uu xiligaas ku jiro • In qofku iska qaato dawo aanu dhakhtar u qorin. • In la isticmaalo dawo hore loogu bogsaday, iyadoo loo malaynayo in…
Read more

Masuulinta iyo Shaqaalaha Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS. Siwadajir ah uga Qayb Qaateen ololaha dhirbeerista.

Maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 27/11/2018 T.i, kuna beegnayd maalinta loo asteeyay ololaha dhir-beerista ayaa dhamaan masuulinta iyo shaqaalaha Wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada, dawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS. Siwadajir ah uga qayb qaateen ololaha dhirbeerista. Ololahan heer qaran waxaa lagu beerayey 800 milyan oo geed, halka kadeegaan ahaan lagu beerayey 2.8 million oo…
Read more

Tallaabo Weyn oo loo Qaaday Casriyeinta Adeegyada Caafimaadka ee ay dabagasho Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka.

Waxaa shaqaalaha Wakaaladda dabagalka daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS uga qabsoomay magaalada Diredawa tababar muhiim ah oo ku saabsan nidaamka casriga ah ee #ERegulation, #ELicensing, iyo #MFR Integration. Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray #ERegulation & #ELicensing: Bixinta liisammada iyo dabagalka xarumaha caafimaadka oo loo beddelayo hab #digital ah kaas oo lagu xidhayo MFR (MASTER FACILITY…
Read more

Xubnaha iskaashiga xisbiga barwaaqo ee Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS(SRSFMHACA).

Xubnaha iskaashiga xisbiga barwaaqo ee Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS(SRSFMHACA) ayaa maanta gudaha xarunta wakaaladda ka fuliyay olole dhir-beeris iyo nadaafadeed, oo ay kaga qayb qaadanayeen hawlaha tabarucaadka bilaha xagaaga. Ololahan ayaa ujeeddadiisu ahayd qurxinta iyo ilaalinta bilicda deegaanka shaqada, xoojinta dhaqanka nadaafadda, daryeelka deegaanka iyo kobcinta dhaqanka iskaa wax u…
Read more

Waxaa degmada Moyale lagu qabtay shir lagu qiimeeyay hawlaha dabagalka ee ay waddo Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntooyinka, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS.

Kulanka waxaa lagu lafa-guray dabagalka ka socda dukaamada iyo bakhaarada, hubinta tayada iyo taariikhda dhicitaanka badeecadaha, iyo wacyigelinta ganacsatada. Ugu dambayn, waxaa la bogaadiyay wada-shaqeynta Hawl-wadeenada wakalada iyo mamulada degmoyinka , waxaana bulshada Gobolka Daawa loogu baaqay inay hubiyaan tayada iyo taariikhda badeecadaha ay iibsanayaan.

Waxaa Maanta Magaalada Jigjiga ka Furmay kulan-weynaha Daahfurka Aaladda Casriga ah ee Xal, u helidda iyo isku Xidhka Bulshada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Bixiya Adeegga Dawooyinka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka ayaa waxaa ka qayb galaya masuuliyiin, wakiillo ka socda xarumaha caafimaadka ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dawooyinka. Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Muse Ahmed , oo sheegay in hirgelinta…
Read more

Tabarucada Bilaha Xagaaga Ayaa Waxaa Kamid ah Shubida Dhiiga si,siloogu Deeqo Bukanada ubahan.

Maamulka iyo Shaqaalaha Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka ayaa maanta ku deeqay dhiigooda iyaga oo ka duulaya barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga.