Qorshaha Saddexda Sano ee Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka oo la Diyaarinayo.
Kulan ku saabsan diyaarinta Qorshaha Saddexda Sano ee soo socda ee Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ayaa ka qabsoomay xarunta Wakaaladda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dejinta iyo diyaarinta qorshe-hawleedka saddexda sano ee soo socda, kaas oo lagu horumarinayo laguna xoojinayo hawlaha, adeegyada iyo waajibaadka kala duwan ee Wakaaladda, si loo gaadho yoolalka iyo himilooyinka loo qorsheeyay.
Kulanka waxaa shir-guddoominayay Mareeyaha Wakaaladda, Mudane Cabdullaahi Maxamuud Mataan, waxaana ka qaybgalay agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wakaaladda.
Intii uu kulanku socday, waxaa la isla eegay mudnaanta iyo jihada Qorshaha Saddexda Sano ee soo socda, iyadoo xoogga la saaray sidii loo dejin lahaa qorshe wax-ku-ool ah oo ka jawaabaya baahiyaha jira, isla markaana lagu horumarinayo adeegyada iyo hawlaha Wakaaladda.
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta.














