Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Hawlaha Wacyigelinta iyo Dhaqan-gelinta Mamnuucida Sigaarka/Tubaakada.

Hawlaha Wacyigelinta iyo Dhaqan-gelinta Mamnuucida Sigaarka/Tubaakada.

Kooxo hawl-wadeeno ah oo ka socda Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS ayaa ka wada magaalada jigjiga hawlo muhiim ah oo ku saabsan mamnuucida ku cabida / kuqiijinta sigaarka iyo tubaakada goobaha ay bulshadu ku kulanto.

Kooxuhu waxay wacyigelin iyo fariimo muhim ah siinayaan mulkiilayaasha iyo maamuleyaasha goobaha bulshadu ku kulanto gaar ahaan hoteelada, kafateeriyada,goobaha caafimaadka iyo meheradaha ee dadwaynuhu ku kulmaan, iyagoo ku wargelinayo in ku cabida sigaarka iyo tubaakadu ay tahay arin sharcigu mamnuucay.

Hawlahan mamnuucida sigaarka / tubaakada ayaa lagu xoojinayaa Bayaanka wakaalada ee la ansixiyay 2025, iyadoo goobaha lagu wargelinayo waajibka saaran inay u hogaansaman sharciga, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada loona yareeyo waxyeelada ka dhalata tubaakada iyo qiiqeeda.

Wakaaladu waxay bulshada iyo ganacsatada ugu baqaysaa inay si buuxda u tageraan dhaan-gelinta xeerarka lagu ilaalinayo Caafimaadka bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *