Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Mareeyaha Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud, ayaa bartiisa Facebook ku daabacay fariintan ku saabsan habraaca sharci ee gudbinta iyo ka jawaabista cabashooyinka ka yimaadda xarumaha ama xirfadlayaasha caafimaadka.

Mareeyaha Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud, ayaa bartiisa Facebook ku daabacay fariintan ku saabsan habraaca sharci ee gudbinta iyo ka jawaabista cabashooyinka ka yimaadda xarumaha ama xirfadlayaasha caafimaadka.

Cadayn iyo Sixitaan:-

Gudbinta iyo ka jawaabista cabashada ka timaadda xarun caafimaad ama xirfadle caafimaad waxa ay leedahay habraac sharci oo u gaar ah, kana duwan habraacyada kale. Arrimaha ugu muhiimsan ee la tixgeliyo waxaa ka mid ah.

1.Haddii uu jiro qof cabanaya, waa in la helaa cabasho qoraal ah, isla markaana ay ku lifaaqan yihiin caddeymaha cabashadiisa.

2. Haddii la waayo cid soo gudbisa cabasho qoraal ah, waxaa jira nidaam kale oo la maro si loo xaqiijiyo dhaliilaha ama khaladaadka laga soo sheegay goobta ama xirfadlahaas.

Haddii la helo cabasho qoraal ah (qodobka 1aad), waxa loo gudbinayaa Guddiga Anshaxa Xirfadlayaasha Deegaanka. Guddigaas ayaa sameeya baadhitaan, kadibna talo-bixintooda iyo natiijada ay gaadhaan usoo gudbiya wakaaladda. Wakaaladdu waxay go’aanka ku qaadataa iyadoo ku salaynaysa caddeymaha la helay iyo talo-bixinta guddiga.

Haddii aan la helin cabasho qoraal ah, wakaaladdu waxay qaadaysaa tallaabada labaad, taas oo ah in la sameeyo baadhitaan madax-bannaan. Natiijada kama dambaysta ah iyo go’aankaba waxa lala wadaagayaa cidda ay khusayso.

Sidaas darteed, ma jirto cid xaq u leh inay shaaciso ama faafiso arrin la xidhiidha cabasho ka hor inta aan la samayn baadhitaan rasmi ah laguna soo saarin go’aan sharciyeed.

Fiiro Gaar ah:-

Waxaan halkan ku caddeynayaa in cabasho kasta oo ka jirta xarun ama xirfadle caafimaad lagu maamulo hab sharci oo qeexan, sida ku cad Bayaanka Federaalka ee tirsigiisu yahay 1362/2017 iyo xeernidaameedkii ugu dambeeyay ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Deegaanka, kaas oo weli aan lagu soo daabicin wargeyska rasmiga ah.

Ujeeddadu waa ilaalinta anshaxa xirfadlayaasha, sugidda tayada adeegga caafimaadka, iyo xaqiijinta hufnaan iyo caddaalad ku dhisan nidaamka cabashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *