Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Gudigga Latalinta (Boordhiga) ee Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka ayaa Kulan koodii koobaad Kuyeeshay Gudaha Xafiiska Caafimaadka DDS.

Gudigga Latalinta (Boordhiga) ee Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka ayaa Kulan koodii koobaad Kuyeeshay Gudaha Xafiiska Caafimaadka DDS.

Kulankan oo uu shir gudominayey Wasiirka xafiiska caafimaadka Dr.Musse Axmed Ibraahim oo uu wahelinayo Wasiir kuxigeenka xafiiska caafimaadka Mudane Maxamed Ayaanle Xassan ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubnaha boordhiga wakaladda sida wasiirka xafiiska Maaliyadda, wasiirka xafiiska Beeraha, wasiirka xafiiska Ganacsiga iyo Gadiidka, Arimaha Bulshada iyo Maareeyaha wakaalada maamulka cuntada iyo daawooyinka.

Ujeedada kulankan ayaa ah sidii loo xoojin la ah ama loo xaqijin la ah helitaanka bulshada ee cunto iyo daawo sugan oo badqabkeedu sareeyo kaasi oo qayb wayn ka qadanaysa dadalada heer daboolka caafimaad ee bulshada deegaanka iyo mudnaan siinta Xukumada iyo Xisbiga Barwaaqo oo ah inay bulshada deegaanku hesho cunto,daawo iyo adeeg caafimaad oo tayaysan islamarkana la sugay badqabkooda.

Mudane Cabdulahi Maxamud Mataan Mareeyaha Wakaladda Maamulka Dabaglka Cuntada Dawoiyinka iyo Adeega Caafimaadka ayaa soo jeediyay war bixin soo koobaysa dadalda xukumada xafiiska caafimaadka iyo Wakaladu ay wadan ee ku adan helitaanka bulshada deegaanka ee cunto ku filan oo tayadeeda la hubiyay si loo sugo caafimaad qabkooda.

Dr Musse Axmed Ibraahim Wasiirka xafiiska caafimaadka DDS ayaa sheegay in loo bahan yahay in si dhaba looga wada shaqeeyo sugnaanta cuntada bulshada deegaanku isticmaalan taasina ay ku iman karto in si dhiba ay uga wada shaqeeyaan bahwadagtu.

Dhankooda Masuliyinta sare ee xafiisyada kulankan ka qayb gallayay ayaa cadeyay inay xoojin doonan dhankooda in si dhaba looga wada shaqayn doono.

SRSFMHACA. DDS.

April.13.2026

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *