Xubno ka Socday Wakaalada ayaa kulamo la yeeshay Maamulka Gobolada Siti,Erer iyo M.wajaale si, loo xoojiyo Wada-shaqaynta la iskagana kaashado hawlaha kormeerka.
Xubno ka socday Wakaalada Maamulka Cuntada,Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS ayaa kulamo la yeeshay maamulka gobolada Siti,Erer iyo m.wajaale si, loo xoojiyo wada-shaqaynta la iskagana kaashado hawlaha kormeerka.
Kooxaha wakaalada ayaa kormeer iyo dabagal ku samayn doona Dukaamada,hoteelada ,goobaha cuntada iyo goobaha cosmaEtics-ka si loo hubiyo badqabka iyo tayada badeecoyinka bulshada laga iibinayo.
Wakaaladu waxay ganacsatada ugu baaqaysaa inay u hogaansamaan shuruucda iyo habraacyada caafimaadka si loo ilaaliyo badqabka cuntada, tayada dawooyinka iyo caafimaadka bulshada.









