Waxaa Madasha Kulamada ee Magaalada Godey Ka Qabsoomay Kulan Balaadhan oo Lala yeeshay Ganacsatada MM-da Godey.
Kulankan oo ujeedkiisu ahaa Adkaynta iyo Xoojinta Tayada / Bad qabka Dawooyinka, Cuntada iyo Cabtaanada kaladuwan ee ay bulshada magaaladu Isticmaasho.
▪︎ Ayaa waxaa kasoo qaybgalay Maareeyaha Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada iyo Adeega Caaafimad dadka DDS Mudane: Cabdulahi Maxamud Mataan
iyo
Qaar ka mid ah hogaaminta ugu horeeyo Duqa magaalada Godey
Mudane: Cabdulahi Cali Xaji.
~ Madaxa Xafiiska Ganacsiga Iyo Gadiidka Magaalada
Mudane: Maxamed Axmed
▪︎ Waxaa sidoo kale la isla qaatay u hogaansamida Shuruucda Ganacsiga uyaalla.
~ Kahortaga Agabka wakhtigiisu dhamaaday.
~ Ka Fogaanshaha Gadiidka Sharci-darrada ah
~Qaadashada Licencen-ka Darawalnimo.
~ Udiyaar garawga Cusbonaysiinta Shatiga 2019-E.C
~ Xakamayn iyo deganaashaha Xasiloonida Suuqa.
Ugu dambayn, waxaa bulshada loogu baaqay inay qayb ka noqdaan Bilicda Iyo Nadaafada magaalada.















