Maareeyaha Wakaaladda oo Fariin u Diray Ganacsatada Deegaanka.
Ciqaab sharci ayaa ka dhalan doonta ganacsatada lagu arko iyagoo bulshada ka iibinaya sharaabyada, caanaha iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ee wakhtigoodu dhacay” Mudane. C/laahi Maxamuud Mataan, Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS.
Hawlwadeeno ka socda Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS oo maalmahanba ku guda jiray shaqooyinkoodii joogtada ahaa ee ay ugu kuurgalaan hab shaqeedka meheradaha iyo xaqiijinta alaabaha kaladuwan ee bulshada ay ka iibiyaan ayaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay cidhifyada afarta degmo hoosaad ee magaalada Jigjiga ka waday ol’ole lagu soo uruurinayo sharaabyada iyo cunooyinka fudud ee wakhtigoodu dhacay.
Maareeyaha Wakaaladda oo fariin u diray ganacsatada Deegaanka ayaa tilmaamay in ay ka waantoooban iibinta waxyaabaha xiligooda daba maray, isagoo xusay in meherado iyo shaqsiyaad laga talaabo qaaday ay jiraan. Fariintan ayaana timid kadib markii muddo labbo maalmood ka yar lagu soo qabtay alaab tiro badan oo qaarkood ay dheceen dhowr bilood kahor.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha FMHACA



