Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Shaqaalaha Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada,Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka Ayaa Soo Aruuyiyay alabo Tirobadan oo Wakhtigodii Dhafay Gudaha Xafadaha MMJ.

Shaqaalaha Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada,Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka Ayaa Soo Aruuyiyay alabo Tirobadan oo Wakhtigodii Dhafay Gudaha Xafadaha MMJ.

Mudane: Abdullahi Mahmud Matan Maareeyaha Hay’adda Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Caafimaadka ayaa yiri “Tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa ganacsatada lagu helo inay bulshada ka iibiyaan cabitaan dhacay, caanaha dhacay iyo waxyaabaha la isku qurxiyo”.

Shaqaalaha wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada, dawooyinka iyo adeega caafimaadka oo shaqadoodii joogtada ahayd ku guda jira sida kormeerida ganacsiga iyo hubinta badeecooyinka kala duwan ee shacabka laga iibiyo ayaa olole lagu uruurinayo cabitaanada iyo macmacaanka dhacay ka fuliyay afarta dagmo hoosaad ee mamulka magalada Jigjiga. labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Maareeyaha wakaalada oo fariin u diray ganacsatada deegaanka ayaa kula taliyay inay ka waantoobaan iibinta badeecadaha dhacay. Wuxuu tilmaamay in tallaabo laga qaaday ganacsato iyo shaqsiyaad kugu helay iibinta agaabaha dhacay.

Boostigaan ayaa yimid wax ka yar laba maalmood kadib markii alaab badan la qabtay, alabtan ayaa ubadan kuwo dhacay dhowr bilood ka hor hadana si shircidaro ah looga iibinayay bulshada .

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha FMHACA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *