Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Hawlwadeennada Wakaaladda ee Gobolka Nogob ayaa saaka kormeer ku sameeyay meheradaha ganacsiga magaalada Garbo.

Hawlwadeennada Wakaaladda ee Gobolka Nogob ayaa saaka kormeer ku sameeyay meheradaha ganacsiga magaalada Garbo.

Hawlwadeennada Wakaaladda ee Gobolka Nogob ayaa saaka kormeer ku sameeyay meheradaha ganacsiga magaalada Garbo, waxanya ganacsatada u gudbiyeen farriimo iyo wacyigelin ku saabsan Hubinta tayada cuntada iyo cabitaanada lagu iibiyo meheradaha oo laga war hayo wakhtiga dhicitaanka (Expiry Date) ee badeecadaha, waxayna ku baraarujiyeen Khataraha ka dhalan kara alaabta dhacday iyo waliba in la xoojiyo nadaafadda goobaha ganacsiga iyo kaydinta saxda ah ee alaabta.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wakaaladda ee lagu hubinayo in bulshada laga ilaaliyo halista caafimaad ee ka iman karta badeecooyinka tayadoodu liidato ama waqtigoodu dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *