Mas’uuliyiin uu Hoggaaminayay Maareeyaha Wakaaladda Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud Ayaa Booqasho iyo indha-indhayn Ku Tagay Warshadda Milixda ee Iskaashatada Barwaaqo ee Degmada Hargeele.
Mas’uuliyiin uu hoggaaminayay Maareeyaha Wakaaladda Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud, oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Degmada Hargeele, Mudane Xasan Dhiire, ayaa booqasho iyo indha-indhayn ku tagay warshadda milixda ee Iskaashatada Barwaaqo ee Degmada Hargeele.
Ujeeddada booqashada iyo dabagalka warshadda ayaa ahayd xaqiijinta tayada iyo fayodhowrka milixda la dhoofiyo, iyo sidoo kale nidaamka isticmaalka iodine-ka. Gabogabadii booqashada kadib, Maareeyaha Wakaaladda ayaa mas’uuliyiinta iskaashatada iyo maamulka Degmada Hargelle kula dardaarmay in la sii xoojiyo adeeg bixinta warshadda iyo ilaalinta fayodhowrka milixda.















