Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Waxaa Maanta Magaalada Jigjiga ka Furmay kulan-weynaha Daahfurka Aaladda Casriga ah ee Xal, u helidda iyo isku Xidhka Bulshada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Bixiya Adeegga Dawooyinka.

Waxaa Maanta Magaalada Jigjiga ka Furmay kulan-weynaha Daahfurka Aaladda Casriga ah ee Xal, u helidda iyo isku Xidhka Bulshada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Bixiya Adeegga Dawooyinka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka ayaa waxaa ka qayb galaya masuuliyiin, wakiillo ka socda xarumaha caafimaadka ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dawooyinka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Muse Ahmed , oo sheegay in hirgelinta aaladdan casriga ahi ay door weyn ka qaadan doonto fududaynta isku xidhka bulshada iyo xarumaha caafimaadka, kor u qaadista helitaanka adeegyada dawooyinka, dardargelinta xal u helidda cabashooyinka bulshada, iyo xoojinta isla xisaabtanka adeeg-bixiyeyaasha caafimaadka. Wasiirku waxa uu ku boorriyay dhammaan xarumaha caafimaadka inay si hufan uga faa’iidaystaan nidaamkan si loo horumariyo tayada adeegyada caafimaadka.

Dhankiisa, Maareeyaha Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka, Mudane Cabdulahi Maxamud Mataan ayaa sheegay in aaladdan casriga ahi ay bulshada u sahli doonto inay si degdeg ah u gudbiyaan talooyinka, cabashooyinka iyo xogaha la xidhiidha adeegyada dawooyinka, isla markaana ay fududayn doonto dabagalka iyo ka jawaabista arrimahaasi. Waxa uu xusay in nidaamkani qayb ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo maamulka iyo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka ee Deegaanka Soomaalida.

Kulankan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato hirgelinta adeegyo caafimaad oo casri ah, hufan, isla markaana bulshada u dhow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *