Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS oo Ol’ole Wacyigelineed Ka Wadda Magaalada Jigjiga.
Si loo ilaaliyo badqabka iyo caafimaadka bulshada, waxaa muhiim ah in goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan laga ilaaliyo isticmaalka tubaakada iyo sigaarka, maadaama isticmaalkoodu uu sababi karo dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.
Qodobbada 37aad ilaa 42aad ee bayaanka dib loo habeeyey ee lambarkiisu yahay 240/2017 ee Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS ayaa mamnuucaya in sigaarka iyo waxyaabaha kale ee tubaakada lagu isticmaalo goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan iyo goobaha adeeg-bixinta. Ujeeddadu waa in bulshada laga ilaaliyo waxyeellada caafimaad ee ka dhalan karta isticmaalka tubaakada iyo sigaarka.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, isticmaalka tubaakadu wuxuu sababa dhimashada ku dhowaad 8 milyan oo qof sannad kasta guud ahaan caalamka. Tubaakada waxaa ka mid ah sigaarka caadiga ah, noocyada kale ee tubaakada iyo sigaarka elektaroonigga ah ee loo yaqaano Vape.
Iyadoo laga duulayo qodobbada mamnuucaya isticmaalka tubaakada goobaha dadweynaha, sida xarumaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, meheradaha iyo goobaha kale ee adeeg-bixinta, ayaa Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS maalmihii u dambeeyey magaalada Jigjiga ka waday olole wacyigelineed.
Ol’olahan ayaa lagu dhajinayaa goobo kala duwan fariimo digniin iyo wacyigelin ah oo bulshada lagu xasuusinayo in aan tubaakada iyo sigaarka lagu isticmaalin goobaha dadweynaha, si loo ilaaliyo caafimaadka dadka iyo deegaanka ay ku nool yihiin.
Samatar Axmednuur, oo ah Madax-kooxeedka Kor-u-qaadista Habsami-u-isticmaalka Daawooyinka iyo La-dagaallanka Daawooyinka Sida Qaldan Loo Isticmaalo ee Wakaaladda, ayaa wareysi uu siiyay SRTV kaga hadlay ol’olaha iyo fariimaha wacyigelineed ee Wakaaladdu ka bixinayso khatarta isticmaalka tubaakada iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta goobaha dadweynaha.
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta.




