Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Hawlwadeennada Wakaaladda waaxda Wacyigelinta, ayaa magaalada Jigjiga ka fuliyay wacyigelin ku saabsan ka hortagga isticmaalka khaldan ee daawooyinka.

Hawlwadeennada Wakaaladda waaxda Wacyigelinta, ayaa magaalada Jigjiga ka fuliyay wacyigelin ku saabsan ka hortagga isticmaalka khaldan ee daawooyinka.

Hawlwadeennada Wakaaladda waaxda Wacyigelinta, ayaa magaalada Jigjiga ka fuliyay wacyigelin ku saabsan ka hortagga isticmaalka khaldan ee daawooyinka, gaar ahaan xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, sida farmasiyada. Wacyigelintan ayaa si gaar ah loogu dabogalay daawooyinka Narcotic-ka iyo daawooyinka dhimirka la xidhiidha (NPs).

Ujeeddooyinka kormeerkan iyo dabagalka ayaa ah: 1.Ka hortagga isticmaalka khaldan ee daawooyinka (Drug Misuse), gaar ahaan daawooyinka loo yaqaan Narcotic iyo Psychotropic Substances (NPs) oo waxyeello caafimaad u keeni kara bulshada haddii si khaldan loo isticmaalo.

2. Hubinta in daawooyinkan lagu bixiyo oo keliya warqad dhakhtar qoray (Prescription).

3.In daawooyinkan lagu kaydiyo meel ammaan ah (Locked Place) oo qufulan, isla markaana ka soocan daawooyinka kale, si looga hortago in la iska isticmaalo ama si sharciga baal marsan loo bixiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *