Waxaa jirtay cabasho shacab oo ka timid xarunta qaliinka lafaha ee Dr. C/raxmaan oo ku taalla magaalada Jigjiga.
Xog Hordhac ah
Waxaa jirtay cabasho shacab oo ka timid xarunta qaliinka lafaha ee Dr. C/raxmaan oo ku taalla magaalada Jigjiga. Hadaba Iyadoo la wado baadhitaanka cabashadaas iyo ururinta xog dhamaystiran, ayaa waxaa soo baxday in xarunta lagu sameeyay qaliin guud oo ka baxsan ruqsadda (license-ka) ay ka haystaan wakaaladda.
Sidaas darteed, iyadoo baadhitaannadu weli socdaan, waxay Wakaaladda Maamulka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadku ay si ku-meel-gaadh ah u xidhay qolkii qaliinka ee xarunta lafaha Dr. C/raxmaan. Natiijada baadhitaannada la wado wixii ka soo baxa waa la shaacin doonaa marka la soo gebagebeeyo.
Digniin
Waxaa guud ahaan xarumaha caafimaadka ee gaarka looleeyahay iyo kuwa dawladaba looga digayaa in aysan samaynin wax ka baxsan shaqada ay u haystaan ruqsada (license ga) cid kasta oo lagu helo inay samayso ama ku lug leedahay ku xad gudubka xuquuqda bukaanada ama jebinta shuruucda ruqsadda waxay wajihi doontaa tallaabo sharci ah.
Talo soojeedin
Maadaama ay dhici karaan khaladaad ka yimaada goobaha adeeg bixinta caafimaadka waxaan bulshada deegaanka ku war galinaynaa inay kusoo gudbiyaan cabashada iyo cadaymaha ay hayaan email ka hoose
Email: Wakaladadabagalka@gmail.com
Ama inay si toos ah u yimaadaan xafiiska wakaaladda
iyaga oo wata cabashadooda oo qoraal ah iyo cadaymaha la xidhiidha
Fiiro gaar ah
Waxaan u taaganahay kajawaabista cabashada bulshada iyadoo la raacayo sharciga dalka iyo deegaanka.





