Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Kormeer Lagu Xoojinayo Nidaamka La-socodka Waxyeellooyinka ka Dhasha Dawooyinka iyo Tallaallada Ayay Wakaaladu ka Wadaa Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Jigjiga.

Kormeer Lagu Xoojinayo Nidaamka La-socodka Waxyeellooyinka ka Dhasha Dawooyinka iyo Tallaallada Ayay Wakaaladu ka Wadaa Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Jigjiga.

Hawl-wadeennada Wakaaladda, oo uu hoggaaminayay Madax Kooxeedka Ka-hortagga Isticmaalka Qaldan ee Dawooyinka, Samatar Axmednuur, oo ay weheliyeen

Xubno kale oo ka socday wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka ee heer qaran iyo Dr Zalalem oo ka socda Hay’ada Ohio State University (Global one health) ayaa kormeer, taageero iyo taakulayn ku saabsan hawlaha ilaalinta bukaanka iyo la-socodka badbaadada dawooyinka iyo tallaallada. (Pharmacovigilance) ku soo maray qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka Maamulka Magaalada Jigjiga, oo ay ka mid yihiin xarumaha caafimaadka Dude Hidi iyo Aayardaga, iyo Xarunta Caafimaadka Maamulka Magaalada Wajaale.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iyo adkaynta nidaamka la-socodka waxyeellooyinka iyo falcelinnada xun ee ka dhasha dawooyinka iyo tallaallada, Intii uu kormeerku socday, waxaa diiradda lagu saaray qiimaynta habraacyada la xidhiidha ogaanshaha, diiwaangelinta, soo gudbinta, baadhista iyo la-socodka dhacdooyinka iyo falcelinnada xun ee ka dhasha dawooyinka iyo tallaallada, Sii Xoojinta awoodda shaqaalaha caafimaadka, hagaajinta nidaamka warbixinta iyo dabagalka, isla markaana la hubiyo in xogta Pharmacovigilance si habboon loo ururiyo loona isticmaalo, si loo ilaaliyo badbaadada bukaannada loona horumariyo tayada adeegyada caafimaadka. Fulinta kormeerkan ayaa waxaa iska kaashaday Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, Wakaalada heer qaran iyo hay’adda Ohio State University – Global One Health (OSU-GOH).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *