Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Dabagal iyo Kormeer Lagu Sameeyay Goobaha Lagu Iibiyo Daawo Dhaqameedka ee MM.JIGJIGA.

Dabagal iyo Kormeer Lagu Sameeyay Goobaha Lagu Iibiyo Daawo Dhaqameedka ee MM.JIGJIGA.

Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada,Dawooyinka iyo Adeega Caafimadka DDS ayaa waxay Maamulka m.jigjiga ka wadaa baaritaano iyo kormeer lagu sameynayo goobaha bixiya daawo dhaqameedka.

Ujeedada kormerka ayaa ah.

1, in la hubiyo in xarunta inay leedahay shati rasmi ah oo waafaqsan xeerka caafimaadka ee u yaalo dalka.

2. in laga xaqiijiyo inay dawooyinku yihiin kuwo sax ah oo aan dhib ku ahayn caafimaadka bukaanka qadanayo.

3. in la xaqiijiyo in Xirfadleyaasha adeega bixinaya leeyihiin aqoon iyo xirfad ku filan .

Wakaaladu waxay ku wacyi-gelinaysaa mulkiilayasha inay ku dadalaan inay bixiyaan adeeg tayo leh , nadiif ah oo wafaqsan sharciga si looga fogaado wax yeelo soo gaadho bulshada.

Caafimaadka bulshadu wuxuu ku jiraa mar walba iyo goor walba iskaashigeena!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *