Kulankan Wacyi-galin ah oo Loo Qabtay Xirfadlayaasha Caafimaadka iyo Shaqaalaha Xarunta Caafimaadka Maamulka Magalada Wajaale .
Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawada iyo Adeega Caafimaadka waaxdeeda wacyigalinta iyo xogaha laxidhiidha Caafimaadka, Daawooyinka iyo Cuntada ayaa uqabtay kulan wacyigalin ah xirfadleyasha cafimadka magalada Tog Wajalee.
Kulankan wacyi-galinta ah oo loo qabtay xirfadlayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha xarunta caafimaadka maamulka magalada Wajaale .
Kulankan oo ujeedadisu ahayd sidii wacyi-galin looga siin lahaa Xirfadleyasha daawooyinka sida qaldan loo isticmaalo korna loogu qaadi lahaa habsami u qaadashada daawooyinka ayaa waxaa soo agaasintay wakaalada maamulka iyo dabagalka cunnada daawooyinka iyo adeega Caafimaadka DDS.
Madasha oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin kala duwan sida madax xafiska Caafimaadka MM.Tog Wajaale Marwo hibo Ahmed, madax xafiska waxbarashada MM. Tog mudane Abdirahman Wajaale iyo shaqaalaha kala duwan ee xaarunta caafimaadka maamulka magalada Tog.Wajaale.
Kulanka ayaa layskula qaatay in si hufan loogu adeego bulshada.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha .
Fmhaca.
February 14/2/2025



