Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Waxaa Manta Kabilaamay MM.Jigjiga Kormeer iyo Dabagal Lagu Qiimaynayo Bad Qabka Goobaha lagu iibiyo Cunada iyo Sidoo Kalee Goobaha Laxidhiidho Cuntada .

Waxaa Manta Kabilaamay MM.Jigjiga Kormeer iyo Dabagal Lagu Qiimaynayo Bad Qabka Goobaha lagu iibiyo Cunada iyo Sidoo Kalee Goobaha Laxidhiidho Cuntada .

Waxaa manta kabilaamay mm.jigjiga kormeer iyo dabagal lagu qiimaynayo bad qabka goobaha lagu iibiyo cunada iyo sidoo kalee goobaha laxidhiidho cuntada .

Waxay saka bilabeen teamkii kuqornaa laba dagmo hoosaad ee qoordheere iyo dudahido shaqadii dabagalka iyo kormeerka ahayd iyagoo kabilabay dagmo hoosaadka qoordheere gaar ahaan suuqa wayn ee minaariyaaga magalada jigjiga halkaas oo ay kasoo qaqabteen alaabo dhacay oo iskugu jira noocyada kala duwan ee raashinka , sharaabka iyo cosmetics ga.

Guud ahaan waxyaabaha ay xubnuhu kormeer koda ku soo qabteen manta labadii galin ba waxaa kamid ah:-

1. inay soo ururiyeen alaabo dhacay oo kala duwan.

2. ⁠inay katalaabo qaadeen ooy soo xidh_xidheen tukaamo ay kaheleen alaabo dhacay oo tiro badan.

3. ⁠sido kale waxay katalaabo qaadeen ooy soo xidh_xidheen tukaamo amar diido sameeyay oon u hugaansamin awaamiirtii lafaray.

4. ⁠waxay sidoo kale xubnuhu katalaabo qaadeen goob cunto iyo goob cuno iyo jiif horay ay u mareen xubnuhu oo ay siiyeen talobixin inuu saxo dhaliilo jiray wakhtina ay siyeen kadib markay arkeen iyagoon waxba sixin iskana dhayalsaday amarkii xafiiska.

5. ⁠Xubnuhu waxay dhamaan siiyeen talo bixino kala duwan goobaha cuntada iyo goobaha jiifka iyo cuntada kuwii saxay dhaliilihii hore loogu arkay.

6. ⁠waxay wacgalin siiyeen mulkiilayaasha dhamaan meheradihii kala duwanaa ee ay soo mareen intahay shaqada ku jireen.

7. ⁠waxay sidoo kale wacyigalin siiyeen shacabkii goobahaas ka adeeganayay iyaga oo u sheegay inay kataxadaraan inay iibsadaan alaabo dhacay iskana xaqiijiyaan alaabaha ay iibsanayaan inay dheceen iyo in kale.

Waxay Wakaaladu sii wadi doontaa dadaalada lagu xaqiijinayo bad qabka bulshada deegaanka dhamaan.

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha .

Fmhaca.

March 5/3/2025.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *