Kormeer ay Samaysay Waaxda Cuntada ee Wakalada Ayna Kusameyeen 4 DagmoHosaad ee Mamulka Magalada Jigjiga.
Maanta oo taariikhdu tahay 4/09/2017 waxay team ka socday waaxda cuntada ee wakaalada FMHACA ka sameeyeen kormeer dhamaan 4 dagmo hoosaad ee maamulka magaalada jig jiga ka kooban tahay iyagoo kulan la yeeshay maamulada degmooyinka kana wada hadlay qaabkii shaqada loo qaban lahaa iyo doorka ay ku leeyihiim maamulada degmooyinka iyo qabaleeyada hoos taga .
Intaas ka dib waxay team ku bilaabeen shaqadii ay u baxeen waxayna soo kormeereen meherado isugu jira sidan:- .
1. Dukaanno
2. bakhaarro
3. supermarketyo
4. cosmetics yo
5. warshado ( small indistory)
6. rayslayaan
Waxay dhamaan soo xareeyeen xajmi alaab dhacday oo aan la qiyaasi karin taaso sawiradoodu hoos kamuuqdaan.
Ugu dambayn waxay teamku halkaa kasii wadi doonaan haddi alle idmo shaqadooda ay bulshadooda kaga badbaadinayaan halisaha ku xeeran isticmalka agabka dhacay.
Teamanka shaqada qabtay waxay wacyigalin ballaadhan iyo fahan ka siiyeen bushada waajibaadka wakaalladda ka saaran gaar ahaan caasimadda iyo guud ahaan deegaanka .
Waxaa talaabo qaad lagu sameeyay meheradihii loogu tagay waxbadan oo dhacay isla markaana ay isticmaalayaan si ay uga iibiyaan bulshada .
FIIRO GAAR AH
Bulshaqada qaybaheeda kala duwan waxaa lagu boorinayaa isla markaana looga digayaa in ay iska hubiyaan waxyaabaha ay isticmaalayaan taariikhdooda isticmaalku inay dhacday isla markaana ay la soo socodsiiyan wakaalada hadii ay la kulmaan waxyaabahaas dhacay.
Waaxda Xidhidhka Dadwaynaha FMHACA.
Ginbood 4/9/2017 EC.



