Kulan Lagu Soo Bandhigay Warbixin Ku Saabsan Kormeero iyo Dabagal Lagu Sameyay Xarumaha Cilaajka MMJ.
Waxaa maanta Gudaha wakaalada lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan kormeero iyo dabagal lagu sameyay xarumaha cilaajka. Ee ka hawl gala Maamulka Magalada Jigjiga.
Kulanka ayaa waxaa kasoqayb galay mulkiileyaasha xarumaha cilajka ee mamulka MMJ.
Kulankan oo ay kasoo qayb galeen mulkileyasha arumaha cilaajka ee MMJ waxaa uu ujeedkiisu ahaa in lagu qiimeeyo tayada adeegyada caafimaad ee lagu bixiyo xarumaha cilaajka, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo hubin lahaa in la raaco heerarka caafimaad ee looga baahan yahay.
Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay warbixino ku saabsan kormeeradii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay xarumaha cilaajka, waxaana lagu muujiyay dhowr arrimood oo muhiim ah.
Maareye wakaalada maamulka iyo dabagalka cunnada, daawooyinka iyo adeega DDS mudane Cabdilaahi maxamud Matan ayaan gaba-gabadii kulanka kula dardaarmay in ay saxaan dhaliilaha iyo galdaloolaha ka jira xaarumaha si loo helo adeeg Caafimaad oo tayo leh.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha fmhaca.
June 02/06/2025



