Waxaa Maanta Magaalad Jigjiga Laga Daah furay Xarun Cusub oo lagula soconayo waxyeellada ka Dhalata Dawada Khaldan iyo Tallaalka Taaso Laga Daahfuray Cusbitaalka Sheekh Xasan Yabaree.
Xarun lagula soconayo waxyeellada ka dhalata dawada iyo tallaalka ayaa laga daahfuray cusbitaalka Sheekh Xasan Yabaree.
Xaruntan oo noqonaysa tii 9aad ee dalka ayaa noqonaysa mid fufudaynaysa la socodka tayada dawada si looga fogaado waxyeellada bulshada ka soo gaadha dawada aan tayadooda la xaqiijin.
Daahfurka xaruntani ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiir kuxigeenka caafimaadka, maareeye kuxigeenka wakaalada maamulka dabagalka cuntada, dawada iyo adeegyada caafimadka iyo xubno ka socday wakaalada dabagalka cunta ee federaalka.
Wasiir kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka Mudane Maxamuud Maxamed iyo maareeye kuxigeenka wakaalada maamulka dabagalka cuntada, dawada iyo adeegyada caafimaadka Dr Eid Abdulahi Mahamed ayaa sheegay in xaruntani ay waxtar badan u yeelan doonto bulshada maadaama oo ay fududaynayso ilaalinta tayada dawada iyo isticmaalkeeda.
Hirgalinta xaruntani ayaa waxaa iska kaashaday wakaalada maamulka dabagalka cuntada, dawada iyo adeega caafimaada DDS, tan federaalka iyo cusbitaalka Sheekh Xasan Yabaree.
Waaxda Xidhidhka Dadwaynaha fmhaca.
June 26/6/2025.



