Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamuud, ayaa bulshada fariin Caafimaad.

Maareeyaha Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamuud, ayaa bulshada fariin Caafimaad.

Fariin Caafimaad oo ku wajahan bulshada MMJ.

Jigjiga – Maareeyaha Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamuud Mataan, ayaa bulshada u soo jeediyay in ay ka digtoonaadaan isticmaalka cuntooyinka, cabitaanada iyo dawooyinka dhacay ama si khaldan loo kaydiyay, taas oo keeni karta khatar caafimaad.

Wuxuu yidhi:- “Shay walba oo la cuno, la cabo ama la is mariyo wuxuu leeyahay taariikh uu ku dhaco. Haddii shaygaasi lagu kaydiyo meel aan ku habboonayn ama aan lahayn heerkulkii loogu talagalay, wuxuu dhacayaa ka hor xilligii loogu talagalay,”

Maareeyuhu wuxuu sigaara carabka ugu dhuftay arrimaha soo socda:

• Heerkulka kaydinta (temperature) ayaa ah arrin muhiim u ah cimriga isticmaalka cuntooyinka iyo dawooyinka.

• Qorraxda tooska ah waxay si degdeg ah u baabi’in kartaa tayada iyo badqabka cuntooyinka iyo sharaabka, taasoo khatar ku keeni karta caafimaadka bulshada.

• Ganacsatada waxaan faraynaa in aysan alaabtooda dhigin meelaha qorraxda ah ama meelaha qabowga daran.

“Bulshada waxaan uga digeynaa in aysan isticmaalin cuntooyinka ama cabitaanka lagu iibinayo meelaha qorraxda ah, gaar ahaan xilliga kulaylka. Ganacsatadana waxaan ugu baaqeynaa inay ilaaliyaan shuruudaha kaydinta si bulshada loo badbaadiyo,”. Ayuu yidhi

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha fmhaca.

July 03/07/2025.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *