Wakiillada Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Doollo ayaa hawlgalo shaqo oo kormeer, dabagal iyo wacyigelin isugu jira ka fuliyay meheradaha ganacsiga, Farmasiyada iyo goobaha cuntada ee Magaalada Wardheer.

Waxayna dabagal iyo kormeer baadhitaana kusameeyeen alaabta meheradaha iyo goobaha cuntada, si loo hubiyo tayada iyo taariikhda dhicitaankooda, loona ilaaliyo badqabka bulshada loogana hortago ka ganacsiga maciishada dhacday.
Intii ay ku guda jireen baadhitaankan waxay qabteen badeecooyin dhacay oo isugu jiray sharaab iyo buskud, waxayna kuwa reejiyeen maamulka Dawlada Hoose si suuqa looga saaro, oo loo ilaaliyo badqabka bulshada. Ganacsatada ayay wakiilada wakaaladu ku booriyeen, in ayna alaabta cadceedda dhigin oo ay si joogto ah u ilaaliyaan tayada maciishada, isla markaana aan gabi ahaanba la iibinin badeeco dhacday oo wakhtigeedii istimaalka la dhaafay.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha FMHACA.