Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Wakiilada Wakalada ee Gobalka Jarar Ayaa Hawlgal kormeer, Dabagal iyo Wacyigelin isugu jira ka Fuliyay Goobaha Ganacsiga, Rayslayaasha, iyo Bakhaarada Raashinka Magaalada Dhagaxbuur.

Wakiilada Wakalada ee Gobalka Jarar Ayaa Hawlgal kormeer, Dabagal iyo Wacyigelin isugu jira ka Fuliyay Goobaha Ganacsiga, Rayslayaasha, iyo Bakhaarada Raashinka Magaalada Dhagaxbuur.

Wakiillada Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Jarar ayaa hawlgal kormeer, dabagal iyo wacyigelin isugu jira ka fuliyay goobaha ganacsiga, rayslayaasha, iyo bakhaarada raashinka magaalada Dhagaxbuur.

Kormeerkan ayaa kusaabsanaa hubinta tayada iyo taariikhda dhicitaanka badeecadaha, iyadoo la doonayo in laga hortago ka ganacsiga maciishada dhacday iyo in la sugo badqabka bulshada.

Wuxuuna wakiilka wakaaladda ee Gobolka Jarar C/Fataax Maxamed uu ku wacyigeliyay rayslayaasha in ay ilaaliyaan nadaafadda, si looga hortago cudurrada lagu kala qaadi karo biraha iyo mashiinnada. Sidoo kale, suuqyada (supermarkets) ayuu kuwacyi galiyay muhiimadda ilaalinta badqabka sharaabka, buskudka, caanaha iyo raashinka kale, halka bakhaarada raashinkana uu faray ilaalinta tayada iyo kaydinta habboon.

Gabogabadii Wakiill wakaaladu wuxuu ganacsatada ku booriyey in aan alaabada lagu dhigin cadceedda, in si joogto ah loo ilaaliyo tayada maciishada, isla markaana gebi ahaanba aan la iibin badeeco dhacay ama wakhtigeedii isticmaalka ka dhammaaday.

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynah FMHACA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *