Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS.
Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS gaar ahaan Iskuduwaha gobolka erer C/raxmaan shaafi oo ku guda jira qorshaha shaqo ee ka hortagga waxyeellada bulshada, wacyigelinta iyo hubinta nadaafadda caafimaadka shaqsiga ah, ayaa fuliyay baadhitaanno caafimaad oo lagu sameeyay shaqaalaha meheradaha cuntada yaryar ee magaalada Fiiq.
Baadhitaanadaas kadib, shaqaalihii la baadhay waxaa la siiyay Warqadda Cadaynta Caafimaadka (Medical Certificate) taasoo lagu xaqiijiyay caafimaadkooda iyo badqabkooda. Qorshahani waxa uu ka hortag u yahay in shaqo la geliyo shaqaale qaba cudurro halis u noqon kara bulshada.
Wakaaladu waxay si adag u faraysaa dhammaan ganacsatada huteelada iyo bulshada guud ahaanba in ay xaqiijiyaan in shaqaalahooda cuntada ay qaataan Warqadda Cadaynta Caafimaadka, taas oo ah waajib lagama maarmaan u ah ilaalinta caafimaadka bulshada iyo tayada adeegyada cuntada.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynah FMHACA.



