Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Hawlwadeeno ka Socday Wakaalada ayaa Labadii Maalmood ee La Soo Dhaafay ka Fuliyey Baadhitaanno iyo Wacyigelin Xarumaha Qaxootiga ee Hoos Yimaada Degmada Doolo Addo iyo degmada Boqolmaanyo.

Hawlwadeeno ka Socday Wakaalada ayaa Labadii Maalmood ee La Soo Dhaafay ka Fuliyey Baadhitaanno iyo Wacyigelin Xarumaha Qaxootiga ee Hoos Yimaada Degmada Doolo Addo iyo degmada Boqolmaanyo.

Hawlwadeeno ka socday Wakaalada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka fuliyey baadhitaanno iyo wacyigelin xarumaha qaxootiga ee hoos yimaada degmada Doolo Addo iyo degmada Boqolmaanyo.

Waxayna Farmasiyada iyo xarumaha caafimaadka ka baadheen Daawooyinka khatarta caafimaad leh, sida kuwa dhacay (expired) kuwa mandoriyaha loo isticmaalo iyo Daawooyinka dalka gudihiisa laga mamnuucay isticmaalkooda

Sidoo kale, kormeerkan iyo baadhitaanka ayay bulshada ku baarujinayeen inay iska ilaaaliyaan dawooyinkaas kor kuxusan waxayna farmasiyada iyo xarumaha Caafimaadka ka hubiyeen tayada iyo in adeegyada caafimaad bixin tooda loo maro hanaankii sharciga ahaa.

Waxaa kale oo ay xasuusiyeen farmasiyada iyo xarumaha caafimaadka in la joogo waqtigii la cusboonaysiin lahaa liisamada shaqada (license), ayna muhiim tahay in si degdeg ah loo cusboonaysiiyo si loo sii wado adeeg sharciyeysan oo caafimaad.

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha FMHACA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *