Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Wakiilada Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Liibaan Ayaa Hawlo Shaqo Kawada isla Gobalkaasi.

Wakiilada Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Liibaan Ayaa Hawlo Shaqo Kawada isla Gobalkaasi.

Wakiilada Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Liibaan, oo ay is kaashanayaan booliska iyo maamulka, ayaa maanta ku guulaystay inay soo qabtaan sonkor dhan 21 kiintaal oo shidaal ku daatay, taasoo halis weyn ku keeni lahayd caafimaadka bulshada, hase yeeshee tallaabo degdeg ah laga qaaday si looga hortago in shacabka laga iibiyo, si shacabka looga ilaaliyo waxyeello caafimaad.

Kadib hawlgal kaas, sonkortii lagu soo qabtay waxaa lagu gubay goob loo diyaariyay, si loo sugo badqabka bulshada.

Gabogabadii, shacabka Waxaa lagu wargelinayaa inay si taxaddar leh uga fiirsadaan badeecadaha ay iibsanayaan iyo Kuwa ay cunayaan, Maadaama ay jiraan badeecooyin khatar ku noqon kara caafimaadka bulshada. Waxaana si gaar ah looga digayaa in la iska ilaaliyo cuntooyinka ama cabitaanada waxyeelloobay, dhacay ama wasakhaystay, kuwaas oo sababi kara waxyeelo caafimad.

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha FMHACA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *