Hawl-wadeennada Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Doollo ayaa Dabagal iyo kormeer Baadhitaan ah ku Sameeyay Meheredo Cuntada iyo Farmarsiyada Dawooyinka Lagu iibiyo.
Hawl-wadeennada dabagalka cuntada, daawooyinka iyo adeegga caafimaadka ee gobolka Doollo ayaa dabagal iyo kormeer baadhitaan ah ku sameeyay alaabta meheradaha iyo goobaha cuntada, si loo hubiyo tayada iyo taariikhda dhicitaankooda loona ilaaliyo badqabka bulshada islamarkaasina looga hortago ka ganacsiga maciishada dhacday ee wakhtigeedii isticmaalka uu dhaafay ayaa intii ay ku guda jireen baadhitaankan waxay qabteen badeecooyin dhacay si suuqa looga saaro loona ilaaliyo badqabka caafimaadka bulshada.
Waxaa kale oo ay xasuusiyeen farmasiyada iyo xarumaha caafimaadka in la joogo waqtigii la cusboonaysiin lahaa liisamada shaqada (license) ayna muhiim tahay in si degdeg ah loo cusboonaysiiyo si loo sii wado adeeg sharciyaysan oo caafimaad, waxayna farmasiyada iyo xarumaha caafimaadka ka baadheen daawooyinka khatarta caafimaad leh, sida kuwa dhacay (expired) kuwa maandooriyaha loo isticmaalo iyo daawooyinka dalka gudihiisa laga mamnuucay inay iska ilaaaliyaan.



