Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo adeegyada caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay waxqabadka rubucii 1aad ee sannadkan 2018 T.I.
Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo adeegyada caafimaadka DDS, Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay waxqabadka rubucii 1aad ee sannadkan 2018, wuxuuna cadeeyay in wakaaladdu ay fulisay kormeerro iyo dabagallo ballaadhan oo lagu xaqiijinayay tayada badeecooyinka iyo adeegyada caafimaadka, wuxuuna sheegay in kormeerka lagu soo qabtay badeecooyin dhacay, dawooyin tayo liita, cuntooyin aan nadiif ahayn iyo badeecooyin aan u qalmin suuqa, kuwaas oo khatar ku ahaa caafimaadka bulshada.
Waana kuwan waxqabadka rubaca 1aad iyo talaabooyinka wakaaladu qaaday
# Waxaa la qabtay 234 shay oo dhacay (expired)
# waxaa shatiga lagala noqday 6 xarumo caafimaad oo buuxin waayay shuruudaha
# waxaa kaloo talaabo laga qaaday 26 goob cunto oo buuxin waayay shuruudaha
# waxaa kormeer iyo dabagalo baadhitaan lagu sameeyay 475 xarumo caafimaad
# 842 xarumo caafimaad ayaa la siiyay shatiga xaqiijinta
# 572 goob cunto ayaa la siiyay shatiga ganacsiga
# 4,560 xirfadle ayaa la siiyay shatiga xirfadlaha caafimaadka
# waxaa kusoo biiray adeeg bixinta caafimaadka hal cusbitaal & hal xarun caafimaad oo shuruudaha buuxiyay.
Ugu dambayn, Maareeyaha Wakaaladda wuxuu balan qaaday in ay sii wadi doonaan ilaalinta caafimaadka bulshada, adkaynta xeerarka tayada, iyo la-dagaallanka badeecooyinka dhacay iyo kuwa halista ah ee suuqa soo gala.



