Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS Ayaa Magaalada Jigjiga Tababar ku Saabsan kor u Qaadista Tayada iyo Hufnaanta Adeeg-bixinta ugu Qabtay Fokalada Gobolada Degaanka.

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS Ayaa Magaalada Jigjiga Tababar ku Saabsan kor u Qaadista Tayada iyo Hufnaanta Adeeg-bixinta ugu Qabtay Fokalada Gobolada Degaanka.

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS ayaa Magaalada Jigjiga tababar ku saabsan kor u qaadista tayada iyo hufnaanta adeeg-bixinta wakaaladda, ugu qabatay xubnaha wakiillada ee wakaaladda ugu hawl gala gobollada deegaanka

Tababarkan ayaa u jeedadiisu tahay sidii faham buuxa looga siin lahaa wakiilada wakaalada waajibaad kooda shaqo iyo adeegyada kala duwan ee ay wakaaladdu bixiso,iyo waliba in si gaar ah loogu tababaro hababka kormeerka xarumaha caafimaadka, dabagalka iyo maaraynta adeegyada dawooyinka, baadhista badeecadaha dhacay, iyo hubinta tayada cunnada.

Maareeyaha Wakaaladda, Mudane C/Laahi Maxamuud, oo tababarka furey ayaa sheegay in uu door muhiim ah ka qaadanayo xoojinta awoodda shaqo ee wakiillada iyo ilaalinta badqabka caafimaad bulshada sidaasdarteedna ay hawl wadeenada loo qabtay sifiican uga faaidaystaan maalmaha uu usocdo tababarku.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *