Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Xoojinta Iskaashiga Wakaaladda iyo Maamulka Gobolka Dawa.

Xoojinta Iskaashiga Wakaaladda iyo Maamulka Gobolka Dawa.

Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka (FMHACA) waxay si weyn u bogaadinaysaa iskaashiga miro-dhalka ah ee kala dhexeeya maamulada Gobolka Dawa, kaas oo door muuqda ka qaatay horumarinta iyo hufnaanta hawlaha wakaaladda ee gobolka dawa.

Mareeyaha wakaalada mudane : Abdulahi mahamud matan ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah hoggaaminta Gobolka Dawa,

kuwaas oo kala ahaa:-

1: Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Dawa Mudane Hassennur Ibrahim

2: Guddoomiyaha Degmada Moyale Mudane Bishar Aliow, iyo

3: Duqa Magaalada Moyale Mudane Kulla Alliow.

Mas’uuliyiintan ayaa si hagar la’aan ah ula shaqeeyay wakiillada wakaaladda ee gobolka dawa, iyaga oo gacan ka geystay fulinta hawlaha kormeerka, wacyigelinta iyo ilaalinta badqabka bulshada. Sidaas darteed, wakaaladdu waxay mas’uuliyiintan ku guddoonsiisay shahaado sharaf ay ku muteysteen wada-shaqaynta iyo taageerada joogtada ah.

Wakaaladdu waxay mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda si loo hubiyo badqabka bulshada ee dhanka cuntada, dawooyinka iyo adeegyada caafimaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *