Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Maanta Waxaa Qabsoomay Shirkii Caadiga ahaa ee SMT ee Wakaaladda, kaas oo si Habsami leh ku Dhacay, Loogana Dooday Ajendayaal Muhiim ah oo La Xiriira Horumarinta iyo Hufnaanta Shaqada Wakaaladda.

Maanta Waxaa Qabsoomay Shirkii Caadiga ahaa ee SMT ee Wakaaladda, kaas oo si Habsami leh ku Dhacay, Loogana Dooday Ajendayaal Muhiim ah oo La Xiriira Horumarinta iyo Hufnaanta Shaqada Wakaaladda.

Maanta waxaa qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee SMT ee Wakaaladda, kaas oo si habsami leh ku dhacay, loogana dooday ajendayaal muhiim ah oo la xiriira horumarinta iyo hufnaanta shaqada Wakaaladda.

Ajendayaasha shirka waxay ahaayeen sidan:-

1: Dardargelinta shaqada Wakaaladda, si loo hubiyo in hawlaha qorshaysnaa ay ku socdaan sidii loogu talagalay.

2: Ilaalinta wakhtiga shaqada, iyo in shaqaaluhu si joogto ah ugu sugnaadaan goobaha shaqada inta lagu jiro saacadaha shaqo.

3: U adeegidda bulshada si hufan,daacadnimo leh, isla markaana masuuliyad ku dheehan tahay, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka.

4: In diiradda la saaro ka miro-dhalinta hadafyada u yaalla Wakaaladda, loona shaqeeyo hirgelintooda si wax-ku-ool ah.

Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobada ajendaha, waxaana la isku raacay in la xoojiyo wada-shaqaynta, isla xisaabtanka, iyo tayaynta waxqabadka guud ee Wakaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *