Kulan Lagu Dhagaysanayey Qiimayn iyo Dabagal ay Wakaaladdu ku Samaysay Cusbitaallada Dawladda iyo Kuwa Gaarka Loo Leeyahay Ayaa ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga.
Kulan lagu dhagaysanayey qiimayn iyo dabagal ay Wakaaladdu ku samaysay cusbitaallada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga.
Kulanka, oo uu shir-guddoominayay Mareeyaha Wakaaladda, Mudane Cabdullaahi Muxumed Mataan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay mareeyeyaasha cusbitaallada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee magaalada Jigjiga.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la falanqeeyo natiijooyinka dabagalka ay wakaaladdu ku samaysay cusbitaallada, kaas oo diiradda lagu saarayay habsami u isticmaalka dawooyinka iyo tayada adeegyada kala duwan ee caafimaad ee loo fidiyo bulshada.
Mareeyaha Wakaaladda ayaa sheegay in dabagalkan uu yahay mid lagu xaqiijinayo in la saxo meelaha sixitaanka u baahan, si bulshada u hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana waafaqsan heerarka loo dejiyey adeeg bixinta caafimaadka.











