Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Xubno ka socday Wakaaladda ayaa kulan la yeeshay Maamulka Gobolka Siti iyo Maamulka Degmada Shiniile.

Xubno ka socday Wakaaladda ayaa kulan la yeeshay Maamulka Gobolka Siti iyo Maamulka Degmada Shiniile.

Xubno ka socday Wakaaladda ayaa kulan la yeeshay Maamulka Gobolka Siti iyo Maamulka Degmada Shiniile, kulan kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta iyo dabagalka adeegyada la xiriira cunnada, dawooyinka iyo caafimaadka. Kulanka waxaa lagu adkeeyey in la sii wado shaqada wadajirka ah lana xoojiyo wada shaqaynta Wakaaladda, iyadoo sidoo kale in ganacsatada lagu baraarujiyo qaadashada shatiyada ganacsiga. Waxaa si gaar ah looga hadlay khatarta ay bulshada u leeyihiin cuntooyinka iyo cabitaannada dhacay, waxaana la iskula qatay in wacyigelinta arrintan la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka gobolka. Maamulka Gobolka Siti ayaa ballan qaaday taageero buuxda siinayaan shaqooyinka wakaalada.

Sidoo kale, hawlwadeennada Wakaaladda ayaa Degmada Shiniile ka fuliyey kormeer iyo wacyigelin, kuwaas oo lagu sameeyey warshadaha biyaha, dukaamada cosmetics-ka, bakhaarada waaweyn iyo tukaamada. Intii lagu guda jiray kormeerka, waxaa lagu qabtay alaabo dhacay, kuwaas oo suuqa laga saaray, ganacsatadiina lagu wargeliyey in aysan mar dambe iibin alaab dhacday, isla markaana si adag loo hubiyo tayada alaabta la iibinayo, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *