Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

ku: Dhamaan Cida Ay Khuseyso:-

ku: Dhamaan Cida Ay Khuseyso:-

Ujeedo: Warbixin Ku Saabsan Dhibaatooyin Caafimaad Oo Halis Ah Oo Ka Dhashay Daawada Bupivacaine Hcl Injection.

Sida la og yahay, Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka ee Itoobiya wuxuu baaritaan ku sameeyaa dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka ama tallaalada la isticmaalo dalka gudihiisa, isagoo ku saleynaya warbixinnada ay soo gudbiyaan xirfadlayaasha caafimaadka. Ka dib marka baaritaan lagu sameeyo, natiijada waxaa loo gudbiyaa Guddiga La-talinta Farmakofijilaansiga (Pharmacovigilance Advisory Committee) si loo sameeyo falanqayn cilmiyeed oo dheeri ah. Natiijadaas waxay gacan ka geysataa hagaajinta habka bixinta daawada si loo ilaaliyo badbaadada bukaanka iyo si kor loogu qaado kalsoonida bulshada ee dawooyinka, iyo talaalada kale duwan

Daawada Bupivacaine HCl waxaa loo isticmaali jiray sanado badan suuxinta qaybeed (Local, Epidural, and Spinal Anesthesia). Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkan dambe waxaa soo kordhay warbixinnada ku saabsan dhibaatooyin halis ah oo la xiriira suuxinta lafdhabarta (Spinal Anesthesia). Inkasta oo warbixinnada caalamiga ahi muujinayaan in dhibaatooyinkani ay dhici karaan marar aad u yar, haddana Maamulku wuxuu helay warbixinnada dhibaatooyin halis ah oo dhimasho ay ku jirto, kuwaas oo hadda baaritaan lagu hayo.

Dhibaatooyinkan waxay ka dhalan karaan arrimo ay ka mid yihiin: nooca iyo qiyaasta daawada, habka bukaanka loo dhigo inta qalliinku socdo, xawaaraha mudidda daawada, iyo xaaladda jireed ee bukaanka (sida cilladaha ku dhasha lafdhabarta). Cabsida xirfadlayaasha caafimaadka ee ku aaddan isticmaalka daawadan waxay caqabad ku noqotay helitaanka adeegga caafimaad ee bukaannadu u baahan yihiin.

Sidaa darteed, Maamulku isagoo la tashanaya khubaro khibrad leh iyo xogta caalamiga ah, wuxuu soo saaray awaamiirta soo socota ee ay tahay in la raaco:

1. Xirfadlayaasha Caafimaadka: Waa inay raacaan habraacyada saxda ah (qiyaasta saxda ah, farsamada mudidda, iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah). Qalabka soo noolaynta (Resuscitative equipment), ogsajiinta, iyo dawooyinka gurmadka degdegga ah waa inay diyaar ku yihiin xaarunta

2. Bukaannada u nugul: Sida Hooyooyinka dhalaya, dadka waayeelka ah iyo bukaannada aadka u xanuunsan waa in si gaar ah taxadar leh loo baadho, loona siiyo cadadka iyo qiyaasta ugu yar ee suurtogalka ah (Lower Dose).

3. Lasocoshada bukaanka: Ka dib marka daawada la siiyo, waa in si dhow loola socdo xaalada shaqada wadnaha, wareegga dhiigga, hab dhiska neefsashada, iyo heerka miyirka qabka bukaanka.

4. Daba-gal: Wasaaradda Caafimaadka dalka iyo bahwadaagteeda ay arrinkani khuseyso waa inay xaqiijiyaan in awaamiirtan ay gaadho xafiisyada caafimaadka deegaanada xarumaha caafimaadka, iyo dhamaan xirfadlayaasha Caafimaadka si loo xaqiijiyo dhaqangelintooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *