Hawl-wadeennada Wakaaladda ee Gobolka Daawa.
Hawl-wadeennada Wakaaladda ee Gobolka Daawa, oo kaashanaya Maamulka Degmada Moyale, ayaa magaalada Moyale ka fuliyay hawlgal kormeer, wacyigelin iyo dabagal ah oo maanta la soo gabagabeeyay.
Intii uu socday howlgalkawn waxaa lagu soo ururiyay alaab wakhtigoodii dhacay iyo kuwo sharci-darro ah, Waxaana si gaar ah loo kormeeray supermarket-yada, bakhaarada, goobaha lagu iibiyo sharaabka, iyo dukaamada tafaariiqda gada. Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa ilaalinta caafimaadka bulshada iyo hubinta in suuqyada laga helo alaab badqabta oo waafaqsan sharciga.

























