Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, oo kaashanaysa Ethiopian Food and Drug Authority Laanta Diridhaba Ayaa si wadajir ah u Fuliyay Baadhitaan Lagu Hubinayo Tayada Badeecadaha, Gaar ahaan Basbaaska (Berbere) ee Lagu iibiyo Magaalada Jigjig.

Wakaalada Maamulka Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS, oo kaashanaysa Ethiopian Food and Drug Authority Laanta Diridhaba, ayaa si wadajir ah u fuliyay baadhitaan lagu hubinayo tayada badeecadaha, gaar ahaan basbaaska (Berbere) ee lagu iibiyo magaalada Jigjiga, iyadoo si gaar ah loo eegayo cabbirka dambaska ku jira Basbaaska.

Waxaana baadhitaanno shaybaadh lagu sameeyay muunado laga soo qaaday basbaaska laga shakiyay ee lagu gado magaalada Jigjiga. Wuxuuna Baadhitaankaasi muujiyay in heerka danbaska ee basbaaska la baadhay kujira uu aad u sarreeyo uuna dhaafsanyahay xadkii loogu talogaay. Sidaas awgeedna uuna buuxinaynin shuruudaha tayada cuntada, uunana ku habboonayn isticmaalka bini’aadamka, Waxaana si degdgega magaalada jigjiga looga bilaabay kahortaga iyo ururinta Noocyada basbaaskan ee 250g ka ah ee hoos ku xusan:-

* Ambash (አንባሻ) 250g

* Hulla (ሁላ) 250g

* Harar (ሐረር) 250g

* Afrat (አፍራት) 250g

Gabogabadii, waxaa la farayaa dhammaan ganacsatada iyo cid kasta oo ay khusayso in badeecadahan kor ku xusan si degdeg ah looga saaro suuqa, lagana joojiyo iibintooda iyo isticmaalkooda, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *