Kormeero ay Sameysay Wakaaladu iyo Wax Yaabihii Lakala Kulmay Farmarsileyda iibiyo Dawooyinka.
Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS oo ku guda jirtay hawlaheeda kormeerka iyo dabogalka ayaa la kulantay farmasiyo ay dawada iibinayeen xirfadleyaal aan ahayn kuwii ku sharciyaysnaa iibinta Farmasiga.
Tallaabo sharci ah ayaana laga qaaday farmasiyadii lagu helay falkan, si looga hortago khaladaadka xirfadeed iyo in bulshada loo geeyo adeegyo dawo oo khaldan.
Wakaaladdu waxay uga digaysaa dhammaan farmasiyada inay ka fogaadaan falalka noocan oo kale ah oo ay u hoggaansamaan shuruucda iyo nidaamka u degsan farmasiyada iyo iibinta dawada.








