Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS ayaa si rasmi ah ula wareegtay nidaam cusub oo dhijitaal ah oo ay ku shaqayn doonto waaxda cuntada iyo fayodhawrka, taas oo lagu maamuli doono adeegyada kaladuwan ee waaxda.
Nidaamkan cusub oo sameyntiisu socotay muddo hal sano ah ayaa Hawlwadeenada waaxda sharraxaad buuxda laga siiyay habka loogu shaqayn doono nidaamkan, iyadoo nidaamkani ay sameysay shirkada Kaafi technology consulting and Solutions.
Huteelada, goobaha cuntada, Koosmaatikisyada iyo meelaha kale ee lamidka ah ayuu nidaamkani ka shaqayn doonaa, waxaana uu suurtagalin doonaa in dhamaan xogta goobahaasi qaab dhijitaal ah loogu kaydiyo, lagana guuro nidaamkii hore ee waraaqaha.
Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, Maareeyaha Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS ayaa markii uu shirkadda kala wareegay nidaamka kadib hawlwadeenada waaxda oo u ambabaxaya qaarkamida Degmooyinka Deegaanka kula dardaarmay in sidii loogu baahnaa goobaha ay tagayaan uga soo hirgaliyaan nidaamkan.















