Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Hawlwadeennada Wakaaladda ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay kormeero muhiim ah iyo baadhitaanno ku sameeyay meheradaha iibiya sharaabka iyo cuntooyinka ee Magaalada Jigjiga.

Hawlwadeennada Wakaaladda ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay kormeero muhiim ah iyo baadhitaanno ku sameeyay meheradaha iibiya sharaabka iyo cuntooyinka ee Magaalada Jigjiga.

Hawlwadeennada Wakaaladda ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay kormeero muhiim ah iyo baadhitaanno ku sameeyay meheradaha iibiya sharaabka iyo cuntooyinka ee Magaalada Jigjiga, gaar ahaan degmo-hoosaadyada Qoordheere iyo Dudahidde, waxaana la soo kormeeray 68 meheradood.

Intii kormeerku socday, waxaa lagu qabtay 15 nooc oo alaab dhacday ah (expired) ah. Alaabtaas wakhtigeedii dhacay ee la qabtay ayaa la soo ururiyay, waxaana tallaabo sharci ah laga qaaday meheradihii lagu helay.

F.G: Mid ka mid ah meheradaha la xidhay oo ah Distributor goobaha qaybiya alaabta ayaa lagu qabtay 64 case oo sharaab ah. Ugu dambayn, ganacsatada waxaa lagu wargelinayaa inay ka fogaadaan iibinta cuntooyinka iyo sharaabyada dhacay. Sidoo kale, bulshada waxaa lagu boorinayaa inay hubiyaan taariikhda dhicitaanka (expiry date) ee alaabta ay iibsanayaan si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *