Tababar Kusaabsan Aalada Casriga ah ooy Soo Qaban-qaabisay Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cunada, Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS.
Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS ayaa soo qabanqaabisay Tababar kusaabsan aalada casriga ah ee ee xal u helida iyo isku xidhka bulshada iyo xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegga dawada.
Tababarkan oo si guud uga furmay dalka ayna kasoo qaybgaleen hawlwadeenada Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS iyo waaxaha ay quseyso ee Xafiiska Caafimaadka DDS iyo Xafiiska Caafimaadka Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa waxaa furay Maareeyaha Wakaaladda Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, iyadoo aaladani bulshada u leedahay faaiidooyin ay kamid yihiin, in lagu diwaangeliyo farmasiiyada iyo dhamaan adeegyada ay bixiyaan arrintaas oo meesha ka saareysa dawooyinkii been abuurka ahaa ee dadka laga iibin jiray, xadidaysana in qiimo aan sax ahayn dadka lagaga iibiyo dawada, sidoo kale waxa ay bulshada u suurtagalinaysa ogaanshaha meesha ugu dhaw ee ay ka heli karaan dawada ay u baahanyihiin.
Nidaamkan cusub ee diwaangalinta dawooyinka lagu iibiyo farmasiiyada ayaa sida oo kale ka hortagaya dhamaanba dawooyinka aan sharciga ahayn amaba koontarbaanka ah ee kasoo talaaba xuduudaha Deegaanka.











