Wakaalada Ayaa Digniin Udirtay Bulshada Si,gaar ah Kuwa Samaynayo Xayisiisyada Gobaha shaqada sida Creams-ka & Online-ka.
Beryahan dambe waxaa soo badanaya xarumo ganacsi iyo shaqsiyaad si sharci-darro ah xayeysiisyo usamaynaya gaar ahaan creams ka la is mariyo oo si online ah lagu xayaysiinayo laguna iibinayo baraha internetka kareemooyin iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ee aan lahayn oggolaansho iyo raad-raac sharci.
Waxaan bulshada uga digaynaa isticmaalka badeecooyinkan oo khatar ku noqon kara caafimaadka. Sidoo kale, waxaan uga digaynaa ganacsatada ku hawlan iibinta iyo xayeysiinta badeecooyinkan inay joojiyaan falalkan, haddii kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga.
Ilaalinta caafimaadka bulshada waa masuuliyad ina wada saaran. ee aynu wada ilaalinno caafimaadkeenna iyo kan bulshadeennaba.




