Waxaa degmada Moyale lagu qabtay shir lagu qiimeeyay hawlaha dabagalka ee ay waddo Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntooyinka, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS.
Kulanka waxaa lagu lafa-guray dabagalka ka socda dukaamada iyo bakhaarada, hubinta tayada iyo taariikhda dhicitaanka badeecadaha, iyo wacyigelinta ganacsatada.
Ugu dambayn, waxaa la bogaadiyay wada-shaqeynta Hawl-wadeenada wakalada iyo mamulada degmoyinka , waxaana bulshada Gobolka Daawa loogu baaqay inay hubiyaan tayada iyo taariikhda badeecadaha ay iibsanayaan.








