Jigjiga
+251994354007
info@srsfmhaca.gov.et

Dhagaysiga Warbixinta Kormerka Cusbitalada

Dhagaysiga Warbixinta Kormerka Cusbitalada

Masuliyinta Sare ee Xafiiska Caafiimaadka DDS iyo Mamulka Wakalada Dabaglka Daawooyinka iyo Adeega Caafiimaadka. Ayaa kulan lagu soo jeedinayay warbixinti kormeerka lagu soo sameeyay qaar kamida cusbitalada deeganka kuyeshay gudaha xafiiska caafimadka.

Kulankan oo uu jeedadiisu ahayd dhagaysiga warbixinta kormerka cusbitalada ayaa waxa hogaminayay Wasiirka xafiiska Caafiimaadka Dr Musse Axmed Ibraahim waxana goob joog ka ah Wasiir kuxigeenka xafiiska caafiimaadka maareyaha wakaalada ayaa si qoto dheer loo eegay islamarkaana looga dooday warbixintaas.

Wasiirka xafiiska Caafiimaadka Dr Musse Axmed Ibraahim ayaa hoosta ka xariiqay in la xoojiyo dabagalada iyo hubinta tayada adeeg bixineed ee xarumaha caafiimaad ee ay bulshadu isticmaalayso si ay bulshadu u hesho adeeg caafimaad oo tayadiisa laxaqiijiyay .

Sidokale maareyaha mamulka Wakaladda dabagalka daawooyinka cuntada iyo Adeega Caafiimaadka ayaa cadeyay inay xoojinayaan shaqooyinka ay bulshada uu hayaan sii loo helo bulsho caafiimaad qabta.

Wakaalada oo kaashanaysa xafiska caafimadka iyo bahwadaagta kale ee caafiimaadka ayaa wada dadalo lagu hubinayo tayada adeega caafimaad ee bulshadu isticaamalayso sii loo hello bulsho caafiimaad qabta.

FMHACA

JANUARY 22/01/2025

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *