Kulankan Wacyigalinta ah oo ay Soo Agaasimeen Wakaalada Daba’galka Cunada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka.
Kulan lagu siinayay wacyigalin ballaadhan oo khusaysa hannaanka geeddi-socodka wax ka badalidda adeegbixinta xarumaha caafimaadka iyo tayaynta adeegyada ay bulshada siinayaan ayaa loo qabtay mulkiilayaasha iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee farmasiyada magaalada Jigjiga.
Kulankan wacyigalinta ah oo ay soo agaasimeen Wakaalada Daba’galka Cunada, Daawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka ayaa lagu soo bandhigay hirgalinta qorshaha barnaamijka farmasiga bulshada loo yaqaano, si loo gaadho yoolka uu wadanku kaga mid noqonayo wadamada kooban ee gaadhay darajada qaangaadhka saddexaad (majurity level three)
Furitaankii kulankan ayaa waxa ka hadlay Maareeyaha Wakaalada Daba’galka Cunada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS Mudane Cabdulaahi Maxamuud Mataan, isagoo sheegay in wakhtigan la gaadhay talaabo qaadkii lagu xaqiijinayay hirgalinta barnaamijkan isbadalka ballaadhan loogaga samaynayo hannaanka adeegbixinta farmasiyada, waxaanu carrabka ku adkeeyay in farmasigii lagu arko dawo aan la xaqiijin tayadeeda oo si kootarobaana ku soo gashay Deegaanka in lagu maxkamadayn doono oo sharciyada uu ku shaqaysanayana lagala noqon doono.
Guud ahaan dalka waxaa ka socda barnaamij lagu casriyaynayo adeegbixinta caafimaadka oo isku dheeli tiran si taasi doorka Deegaankeena kaga aadan loogu guulaystana Wakaalada Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo adeegga Caafimaadka DDS, ayaa mudooyinkii dambeeyay wada dadaalo ballaadhan oo lagu xaqiijinayo sidii bulshadu u heli lahayd adeeg caafimaad oo tayadiisa la xaqiijiyay.
FMHACA
February 6/2/2025



